Somali News

Biyo la’aan daran oo ka jirta gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in biyo la’aan ay soo wajahday shacabka ku nool gobolkaasi, taasi oo saameysay noloshooda.

Deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira xaalad adag oo dhanka nolosha ah oo soo food saartay dadka ku dhaqan gobolkaasi, kaddib markii ay gureen Ceelashii ku yaalay halkaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka maaliyadda gobolka Gedo Nasteex Cabdi Saalax ayaa sheegay in xaalad binu-aadanimo in ay ka jirto gobolkaasi, waxuuna dowladda Soomaaliya iyo Hay’addaha gargaarka ugu baaqay in ay gargaar la soo gaaraan gobolkaasi.

Xaaladdan adag ee ka jirta gobolka Gedo ayaa la sheegay haddii aan si deg deg ah looga jawaabin in ay sababi karto xaalad binu-aadanimo.