Somali News

Boko-Haram oo dad ku leysay Niger.

Muqdisho-KNN-Weerar lagu qaaday tobonaan xaafadood oo ku yaala koonfur bari dalka Niger ayaa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen dagaalamayaasha Boko Haram.

Dagaalka ayaa si gaar ah kaga dgacay degmada Gueskerou ee gobolka Diffa oo u dhaw harada Chad.

Elo deeganka ah ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in weerarka ay ku dhinteen 12 ruux oo dadka deegaanka ah.

11 kamid ah dadkaasi ayaa lasheegay in latoogtay balse faah faahin intaasi ka dheeri ah lagama bixin.

Labo weerar oo bishii March, ka dhacay isla xaafadan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay sideed ruux oo shacab ah iyo todobo kamid ah booliska. Boko Haram, oo markii magacooda laturjumo noqonayo “Tacliinta reer Galbeedku waa mamnuuc” ayaa ololahooda hubaysan ka waday waqooyi bari dalka Nigeria tan iyo sanadkii 2009’kii.