Somali News

Boob lagu hayo dukaamada soomaalidu ku leeyihiin koofur afrika

Muqdisho-KNN-Falal lagu boobayo dukaamo ay ganacsato Soomaaliyeed leeyihiin, isla markaana qaar ka mid ah lagu gubay ayaa ka soconaya Xaafaddaha ku yaalla Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Mid ka mid ah Ganacsatadadalka Koonfur Afrika ayaa KNN u sheegay in Soomaali badan ay kasoo barakaceen deegaano ay ganacsi ku lahaayeen, sababtuna ay tahay boobka oo meelo kale kusii baahaya.

Baraha bulshada ayaa waxaa la soo dhigay muuqaalo muujinaya dukaamo la boobayo iyo dadka qaar oo jirdil wadareed loo geysanayo, iyada oo ay goob joog yihiin Booliska.

Kulamo badan oo Soomaalida ku nool Koofur Afrika iyo dowladda dalkaasi ay isla qaateen oo ku saabsan sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed, ayaan wax muuqda ka soo bixin iyadoo ay joogto noqdeen dilalka loo geysto Soomaalida ku nool halkaasi.