Somali News

Booliiska dalka Greek’ga oo gacanta ku dhigay muhaajiriin u badan dad Soomaaliyeed

Muqdisho-KNN-Booliska dalka Greek’ga ayaa sheegay in ay joojiyeen Gaari nuuca xamuulka ah kaas oo siday ku dhawaad 60 muhaajiriin ah  oo si sharci daro ah ku galayay dalkaasi.

Gaarigan ayaa laqabtay  galabtii jimcaha isagoo maraya wado wayn oo marta meel 30KM u jirta magaalo dhacda bariga dalkaasi Greek’ga.

Booliska ayaa sheegay  in gaarigaan uu sitay ruqsad dalka Bulgaria ah iyo Taariko la xaday oo isla dalkaasi ka diiwan gashan.

Muhaajiriinta oo kakoobnaa 59 ruux ayaa lasheegay in kalabar ay ahaayeen Soomaali halka inta kalana ay u kala dhasheen wadamada Afghanistan, Bangladesh, Masar, Eritrea, Iraq, Palestine iyo Sudan.

Muhaajiriinta ayaa markii lasoo qabtay Booliiska u sheegay in muqalisiintii dalka Turkiga kasoo musaafuriyay uu midkiiba ka qaatay Lacag gaarayso $1,690.

Sidookale Booliiska dalka Greek’ka waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen darwalkii gaarigaas ka xeenayay oo isna u dhashay dalka Bulgaria.