Uncategorized

Booliiska Kenya oo ka Baadi goobaya Hugaamiye ka tirsan Al-shabab

Muqdisho-KNN-Booliiska Kenya ayaa ku dhawaaqay 1 Million oo shilin oo la siinayo ciddii keenta War bixin horseedi karta in la soo xiro Xybin muhiim ah oo Al-shabaab ka tirsan kaasi oo booliiskua ay Magaciisa ku sheegeen Francis Macharia Kirashu.

Sida ku xusar war uu saray Booliiska Kenya Jimcihii oo Warbaahinta Dalkaasi ay daabacday, Ninka la baadi goobayo ee Kirishu waxa uu taageeraayay Dagaalamayaasha Al-shabaab si ay Xuduudda uga gooshaan, isagoo u daabacay warqado aan sax ahayn.

Ninkaan Booliisku ay tuhunsanyihiin waxa uu Ganacsi ku lahaa Magaalada Nairobi , waxaana la xiray caawiye yaashiisii oo daabacaya warqado been abuur ah.

Rag booliisku magacooda uu ku sheegay Cabdi Majid  Xasan Aadan iyo Maxamed nane ayaa isticmaay warqado uu daabacay ninka la baadi goobayo si ay Xuduuda Kenya uga gudbaan iyagoo Soomaaliya ka tagay.