Somali News

Booliiska Kenya oo ku raad jooga Xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ka geystay Mandheera

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa ku raad jooga dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaan hoos yimaada Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Saraakiisha Booliiska ayaa soo bandhigay xogta Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo weeraray xero ciidan oo ku taalla duleeddka Mandheera.

Saraakiisha ku sugan Mandheera ee wada howlgalka ayaa sheegay in 20 dagaalame oo ka tirsan ay weerar culus ku soo qaadeen xerada booliiska, isla markaasna ay adeegsanayeen hubka cul culus.

Ciidamada ku sugnaa Xerada Booliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabey weerarka, iyaga oo markii dambe ay baxsadeen dagaalameyaasha Al-shabaab, sidaasi lagu sheegay bayaan ka soo baxay Booliiska Kenya.

“Ma jiro wax khasaare ah oo naga soo gaaray Weerarkaasi cadawga, Hadda xaaladda waa ay deggan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Ciidanka Booliiska Kenya.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxaha weerarada ka geysta magoolooyinka gobolka Waqooyi Bari Kenya oo la rumeysan yahay in ku dhuumaleystaan Keymaha.

Dhowaan ayay aheyd markii Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay qaraxyo ku burburiyeen xarruunta shirkadda Isgaarsiinta Safaaricom ay ku leedahay deegaanka Dasheg oo u dhow magaalada Wajeer.

Maalmihii la soo dhaafay Al-shabaab ayaa weeraro ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan ismaamulada Mandera iyo Wajeer, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawaca oo soo gaaray dad  isugu jira shacab iyo askar.