Nairobi-KNN-Booliiska Argagixiso la dirirka Kenya ayaa sheegay in ay Toogteen Hussein Said Omar Xilli uu ku sugnaa Deegaanka Bamburi oo Mombasa hoostaga, Booliisku waxaa ay shegeen in Ninkaan ay Dilen uu ka Dambeeyay Weerarro Al-shabaab ay ku qaadeen Mbektoni oo ay ku dhinteen 60 Ruux Sanadii 2014 kii.
Hussein Said Omar ayaa waxaa aad u baadi Goobay Booliska Kenya Tan iyo Sanadkii 2015 kii sida uu ku Waramay the star.
Booliiska Kenya aayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Hussein Said Omar oo Babli lagu neeynaaso uu Saanadda u qaabilsanaa Al-shabaab ka Dagaalama Kenya Boni ee Kenya, isla markaana uu ka Dambeeyay Dil Dad Kenyan ah loogu geystay Deeganaddda Mwali, Pandanguo iyo Milihoyi.
Website-ka the star oo Kenya laga leyahay ayaa lagu Daabacay in In Boolisku ay ku raad joogaan in lagu Magacaabo Axmed oo ay Walaalo yihiin Xuseen ka Ladilay.
Booliisku waxaa ay sheegen in in Hussein Said Omar iyo Walaakiis oo Haddda la Baadi Goobayo ay Kaalin Muhiim ah ka Jireen Howlgalka Jihaadiga ah ee Al-shabaab ay kawadaan Kenya.