Somali News

Booliiska kenya oo Xiray Xarun dhaqan celin oo Dadka lagu jirdilo

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa la sheegay in ay weerareen  xarun dhaqan celin sidoo kalena Dadka lagu Daweeyo Qur’aanka oo ku taalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo xiliyadii ugu dambeeyay lagu dhibaateynayay dhalin yarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Booliska Kenya ayaa baaritaanno ku samaynaya caafimaadka bukaanada halkaasi joogo, halka kuwa caafimaadka qabo ay u dirayaan guryihii ay ka yimaadeen.

Sidoo kale Booliska ayaa waxaa la Sheegay in ay gacanta ku dhigeen dadkii ka shaqeeynayay Xarunta.

Baaritaan ay sameeysay Qaabyta Isha Africa ee BBC-da ayaa lagu Ogaaday in jir ba’an loo geysto Dadka ku jira xaruma dhaqan celinta ee Nairobi.