Somali News

Booliiska Masar oo gacanta ula tagay dad ku mudaharaaday Magaaladda Suweys

Muqdisho-KNN- Ciidanka amaanka Masar ayaa gacan ula tagay boqolaal mudaharadayaal ah oo isugu soo baxay magaaladda Dekadda leh ee Sweys, sida ay warbaahintu sheegtayna waxay ciidanku adeegsadeen gaaska dadka ka ilmeeysa iyo rasaasta wax-disha si ay dadka ukala eryaan.

Warbaahinta Aljazeera ayaa ku warantay in dadka banaanbaxa dhigayay ay dalbanayeen in Madaxweynaha Masar Cabdi Fitaax Siisi uu is casilo.

Isu soo baxa dadweynaha ayaa soo billowday sabtigii  oo magalooyin badan ay ku dibad baxeen Dad madaxweynaha diidan. Hogaamiyeyaasha mudaharaadyadda ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha in uu kumanaan qof aragtidooda u xiray.

Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganeysa Dadka magaaladda ayaa baahisay in Ciidanka oo wata gaadiidka gaashaaman ay dadka u adeegsadeen rasaas iyo gaaska dadka ka il meysiisa.