Somali News

Muwadiniin Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Mozambique

Booliiska Mozambique ayaa baaritaan ku wada shan dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kuna eedeysan in falal la xiriira Afduub iyo ka gacansiga Maandooriyaha, kuwaasi oo lagu xiray magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.

Afhayeenka booliiska Daniel Macuacua oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradan Soomaalida ay haysteen waraaqo aqoonsi oo been abuur ah.

Waraaqaha ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangelyo doon ah oo Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo ah oo lagu safro Mozambique.

Sidoo kale, Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhashay Mozampiqe , kuwaa oo dhalinyaradan u fududeysay sameynta Waraaqaha Been abuurka ah ay dalkaasi ku joogeen.

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Mozambique oo aan xiriiro kala duwan la sameynay si aanu wax uga weydiino xaaladda dhalinyaradan la xiray ayaanan helin.

Dalka Mozambique ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada ay sii maraan Soomaalida u tahriibeysa ama u socota dalka Koofur Afrika.