Somali News

Booliiska Mudug oo loo gacan geliyay nin dil ka geystay gobolkaasi

Ciidammada Amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay nin dil ka geystay deegaanka Milxo ee gobalka Sanaag.

Howlgal ay sameeyeen Laamaha Amniga gobalka Doollo ayuu kusoo qabteen ninkan dilaaga oo baxsad ah, iyagoo kusoo wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska gobalka Mudug ee Puntland.

War kooban oo kasoo baxay Booliska gobalka Mudug ayaa lagu yiri “Taliyaha Gobolka Doollo Gaashaanle Mowliid iyo Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Dalka Itoobiya ayaa gacanta kusoo dhigey Nin gacan ku dhiigle ah oo dil ka geystey Deegaanka Milxo oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa maanta kusoo wareejiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Col.Muumin Cabdishire o wakiil ka ahaa Taliyaha Booliska Dowladda Puntland.”

Ciidammada Amniga Puntland iyo DDS ayaa leh wada shaqeyn dhow, iyagoo iska kaashada howlgallada ka dhanka ah Amniga ee ka dhaca xaduudaha iyo soo qabashada dambiilayaasha.