Somali News

Booliiska oo gacanta ku soo dhigay xubno dibadbax rabshado wata ka dhigay gobolka Banaadir

Qoraal kooban oo ka soo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka ay xireen Dhalinyaro gaaraysa 15 kuwaas oo debad bax rabshado wata ka sameeyay Degmada Daarusalaam ee Gobolkaan Banaadir.

Dadkaan ayaa la wariyay in la horgeyn doono Maxkamadaha Awoodda uleh si ay Caddaaladda u maraan.

“Howgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Qeyta Guud gaar ahaan Rugta Boliiska Dagamada Daarusalaam.

Waxeey kusoo qabteen 15 ruux oo iskugu jira Rag iyo Dumar ku Edeysan in ay Dagmada Daarusalaan
ku qabteen isku soobax fowda ah oo sababay Qasaare kala duwan.

Waxaana la horgeyndoonaa Maxalamadda Awooda uleh.

Waxaa lagu wargalinayaa shacabka kunool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan ka qeyb noqoshada isku soobaxyada sababikara falala amaanka lidiga ku ah” ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay.

Laba maalin ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa loo xiray dhalinyaro badan oo lagu sheegay in dhaqan xumo ay ka wadeen Aaladda Tiktook kuwaas oo aan Maxkamad weli la soo taagin.