Somali News

Booliiska oo howlgal dad lagu soo qabtay ka sameeyay Muqdisho

Howlgal Wadajir ah oo qaatay saacado ayaa xalay laga sameeyay xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, wwxaana lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo liskugu geeyay goob, si loo kala saaro.

Ciidamada howlgalka iska kaa shanayay waxay ahaayen Booliska qeybta Waliyoow Cadde iyo kuwa Jagboontiyada guur guura, iyadoo intii  socday howlgalka ciidanka ay sameenayen baaritaano guri guri ah iyo gaadiidka kuwooda kala duwan.

Saraakiisha ciidanka horkacayay ayaa bulshadii ay la kulmeyn u jeediyay codsi ah inay garab istaag u muujiyeen Ciidanka, si loogu guuleysta sugid amniga magaalada, maadama ay badanaa ka dhacayaan fal amni daro oo baahsan.

Sidoo kale, howlgalka oo uu hoggaaminayay taliyaha Ciidamada Booliska qeybta Waliyow cadde Mahad Axmed Cilmi ayaa sheegay in qorshaha howlgalkoodu ahaa ka hortegida dadka lidiga ku ah Amniga, sda ciyaal weerada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysta.

Ugu dambeyn, Taliye k/xigeenka Ciidamada Booliska qeybta wallow cadde Ismaaq Maxamed Ciise, ayaa isna sheegay in amniga Caasimada uu wax badan iska badalay, kadib markii la soo saaray amar lagu joojiyay Mooto Bajaaj-ta wixii ka dambeeya lix saac oo habeenimo (12:00 AM).

Sidoo kale, wuxuu digniin adag u diray shaqsiyaadka leh Gawaarida kuwooda raaxada oo uu xusay in lagu geysto fal amni daro, isagoo faray in aan marnaba la arki karin Baabuur  shaqeeynaya oo darawalkiisa uusan wadan leesin ama aqoonsi darawalnimo.

Muddooyinkii ugu dambeeyay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ee Muqdisho waxaa howlagllo ka waday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan Taliyaal ciidan iyo Guddoomiyaal degmo.

Iyadoo howlgalladaasi looga hortegayay kooxaha burcadka u geysta dadka shacabka ah oo ay ku jiraan dhalinyaradada ciyaal weerada ah.