Somali News

Booliiska Somaliland oo xiray Mas’uul ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Wadani, Maxamed Xaaji Yuusuf.

Wararka intaasi ku daraya in mas’uulkan la xiray isaga oo ku sii jeeda Masjidka oo doonayay in uu ku tukado Salaada Jimcaha, halkaasi oo ay Booliiska u taxaabeen Xabsiga.

Waa mas’uulkii 9-aad oo ay saacado gudahood xiraan Ciidamada Booliiska Somaliland, ka dib rabshadihii ka dhashay bannaanbax shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa oo ay dhigeen Xisbiyadda Mucaaradka.

Taliska Booliiska Somaliland ayaa ilaa hadda faah-faahin ka bixin xariga loo geystay Mas’uuliyiinta ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka.