Uncategorized

Booliiska Soomaaliland oo rasaas ku furay dad dibax ka dhiyay Burco

Burco-KNN-Boqolaal dad ah ayaa isugu  soo baxay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Soomaaliland kuwaas oo ka careysan xukunkii shalay maxkamada gobolka Maroodi jeex ay ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka mid ahaa Madax dhaqameedyada Somaliland.

Maxkamada ayaa boqor Buur-madow ku riday shan sano oo xabsi ah kadib markii loo fadhiistay dhageysiga dacwada lagu soo eedeeyay.

Dadka dibaxa dhigayay ayaa dalbanayay in xabsiga laga saaro Boqor Buur-madow oo horay ciidamada Booliiska Soomaaliland ay ku eedeeyeen, in uu jeediyay hadal dhaawaca madax banaanida Soomaaliland.

Ciidamada Booliiska Soomaaliland ee magaalada Burco ayaa rasaas ku furay dadkii dibaxa dhigayay, waxaana dadka deegaanka Idaacada Kulmiye u  sheegeen in xoog lagu kala eryay dadkii isku soo baxay.