Uncategorized

Booliiska Soomaaliland oo xabsiga dhigay Boqor Buur-madow

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliiska ee Soomaaliland ayaa xalay  xiray boqor Cusmaan Muxumad Maxamed (Boqor Buur-madow) oo lagu eedeeyay in uu sameeyay falal qaran dumis ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in boqor Buur-Madow uu aaday fasax la`aan deegaanada Puntland isla markaana halkaasi uu kaga dhawaaqay falal dhaawacaya madax banaanida Soomaaliland.

Ehelada Boqorka oo ka hadlay xirigiisa ayaa sheegay in loola dhaqmay si ka baxsan bini`aadamnimada.

Maalmo ka hor ayaa maxkamada gobolka Maroodi jiix ee Soomaaliland ay xukun xabsi ku riday Abwaan Naciimo Qorane oo lagu eedeeyay in ay faafisay qoraalo dhaawaca qaran nimada Soomaaliland.