Uncategorized

Booliiska Soomaaliya oo amar dul dhigay Dawalada Bajaajta

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa mamnuucay in Mootada Nuuca bajaajta loo yaqaan aysan socon karin wixii ka dambeeya 12ka ama lix saac habeenimo.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in wixii ka dambeeya lix saac habeenimo la mamnuucay inay socdaan Mooto Bajaaj, isagoo arintaan ku sheegay in hawlgallo ay ka socdaan Muqdisho, kuwaas oo burcadda looga hortagayo.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ka cabanayay burcad hubeysan oo ka qaata Moobilada iyo agab kale.