Somali News

Booliiska Soomaaliya oo markale ka hadlay kiiska askari dhawaan lagu dilay Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliya , Cabdifitaax Aaden Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay dilka , Cusmaan Salaad Daahir (Atooraha badda), oo ahaa samfale ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Cabdifataax ayaa sheegay in dilka Atooraha badda uusan ka dambayn Al-shabaab balse uu geystay marxuumka saaxiibkiis oo lagu magacaabo Shuceyb Leeleefoow, ka dib markii ay isku qabteen lacag loogu tala galay howlo samafal ah oo gaareysa ku dhawaad lixdan kun oo dollar.

Afhayeenka Booliska oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay inay hayaan gacan ku dhiiglaha iyo lacagtii uu ka dhashay dilka Atooraha badda, isla markaana ay hor geyn doonaan maxkamadda si ay go’aan uga gaarto.

Dhinaca kale, Cabduqaadir Salaad Daahir oo ah Atooraha Badda walaalkiis ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay ka qanciyeen shakigii ay ka qabeen qaabkii uu ku dhintay wiilkooda, iyagoo tusay dhammaan Akoonnadii ay jirtay lacagta laysku qabtay.