Somali News

Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay cidii ka dambeysay dilka Atooraha Badda

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan faah-faahin ka bixiyay dil xalay magaalada Muqdisho loogu geystay Wiil dhalinyaro ah loo yaqaan Atooraha Badda.

Gaashaan Cabdifitaax in dilka Atooraha Badda uu ka dambeeyay nin saaxiibkiis ah oo lagu magacaabo Shuceyb Leeleefow kadib markii ay isku qabsadeen lacag ay Shacabka u soo direen oo gaareysa lixdan kun oo dollar.

Afhayeen Cabdifitaax ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha uu qirtay Dambiga, isla markaasna dhowaan la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh.

Sidoo kale, Booliiska ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in dilka Atooraha Badda ay ka dambeeyeen Ururka Al-shabab.