Somali News

Booliiska Zimbabwe oo xabsiga dhigay hoggaamiyihii mucaaradka ee dalkaasi

Muqdisho-KNN-Ciidamada dalka  Zembabwe ayaa xabsiga u taxaabay hoggaamiyihii mucaaradaka  ee dalkaasi,  kaas oo ay baadi goob ugu jireen ilaa dabayaaqadii bishii July ee sanadkan.

Dhaq dhaqaaqa isbeheysiga dimoqoraadiga ah ee dalka Zimbabwe  ayaa bartooda Twitter ku daabacay, in hoggaamiyahani ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska Zimbabwe.

Sikhala oo ah hoggaamiyaha xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska dalka Zimbabwe ayaa sidoo kale waxa uu yahay, guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga dimoqraadiga ah, sidoo kalena waxa uu ka mid yahay xildhibaannada baarlamaanka dalkaasi, waxa uuna aad u dhaliilaa dawlada Zimbabwe.

Ciidamada Booliiskuna ilaa iyo hadda ma aysan faahfaahin sababta ka dambaysa xadhigiisa.