Somali News

Haweenay Bambo gacmeed ku weerartay saldhiga Baardheere oo lagu toogtay

Baardheere-KNN-Wararka ka imaanaya  magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ciidanka Booliiska ay toogteen haweeney la sheegay in ay isku qarxin rabtay saldhigga degmadaasi.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Haweeneyda oo ka baxday Baydhaba ay Bam Gacmeed ku tuurtay Ciidanka ilaalada Saldhigga halkaasna ku dhaawacmeen labo Askari.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay rasaas ku fureen Haweeneyda, waxaana la sheegay in goobta ay ku geeriyootay.

Booliska waxaa ay sheegeen in Haweeneyda ay ka degtay Gaari Caasi ah oo ka baxay Baydhaba islamarkaana gaaray Magaalada Baardheere ee  gobolka Gedo.

Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay in la baaray meydka haweeneyda, islamarkaana waxaa la sheegay in laga helay waxyaabaha qarxa iyo lambar sireedkeeda.