Somali News

Booliska Beledweyne oo gacanta ku dhigay nin toorey ku dilay haweeney iibin jirtay Khaadka

Beledweyne-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Magaladaasi ay gacanta ku dhigeen Nin Tooreey ku dilay mid ka mid ah Haweenka Ganacsatada ah ee Magaaladaasi.

Sababta ka dambeysay dilka ayaa waxaa lagu sheegay in haweeneyda iyo ninka dilka geystay uu muran dhex maray, iyadoona ugu dambeeen haweeneyda tooreey lagu dilay.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabai jiray Xaliimo Ilyaas, waxaa ayna ka mid aheyd haweenka qaadka Ama Jaad ku iibin jiray Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Wariyaha KNN ayaa soo sheegaya in ninka dilka geystay ay haatan hayaan ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha booliska maamulka Hirshabelle.