Somali News

Booliska dalka Hayti oo raadinaya boqolaal maxbuus oo xabsi ka baxsaday

Port-au-Prince-KNN-In ka badan 400 oo maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaala caasimada dalka Hayti ee Boorti Aw Birinsi.

Saraakiisha booliska dalkaas war laga soo xigtay ayaa waxaa lagu sheegay in rabshado ka dhex dhacay xabsiga Khamiistii ay ku dhinteen 25 ruux .

Boolisku waxay sheegeen in hogaamiyihii burcadka dalka Hayti Arneel Joosef la dilay waxyar kadib markii uu ka baxsaday xabsiga.

Arneel Joosef oo ahaa ninka loogu doon doonista badnaa Hayti ayaa lasoo xiray sanadkii 2019 kadib hawgal gaar ahaa.

Booliska ayaa baadigoobaya maxaabiista boqolaalka ah ee baxsaday.