Somali News

Booliska dalka Nigeria oo soo badbaadiyay gabdho walaalo ah oo la afduubtay

Booliska dalka Nigeria ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay soo badbaadiyaan shan gabdhood walaalo ah, kuwaasi  kooxo hubeysan ay ka afduubteen caasimadda dalkaasi ee Abuja.

Gabdhahan ayaa lagu soo badbaadiyay howlgal wadajir ah oo ay ciidamada booliska iyo kuwa sirdoonka ka sameeyeen kaymo ku taalla waqooyiga Nigeria.

Waxaa horraantii bishan laga soo kaxaystay gurigooda oo ku yaalla Abuja, iyaga oo burcada ay dalbadeen lacago faro badan.

Afduubyada ayaa ku sii badanaya dalka Nigeria, iyadoo boqollaal qof ay afduubteen sannadihii la soo dhaafay, waxaana geysta kooxo burcad dhaqaale doon ah.