Somali News

Booliska dalka Nikaragwa oo xir xiray siyaasiin m/weynaha talada haya ka hor yimid

Managua KNN: Booliska dalka Nikaragwa ayaa xabsi dhigay siyaasiin mucaarad
ah kadib markii lagu eedeeyay inay maleegayeen shirqool dawladda ka dhan
ah.
Wararka laga helayo dalka Nikaragwa ayaa sheegaya in 24,kii saac ee la soo
dhaafay ay ciidamadu xireen 5 siyaasi taasoo ka dhigan tirada siyaasiinta
mucaaradka ee dawladda u xiran illaa iyo 12 siyaasi.
Xubnaha la xiray waxaa ku jira shaqsiyaad aad ugu dhawaa m/weynaha
talada haya ee Daniel Ortega.
Boolisku waxay ku eedeeyeen siyaasiintan inay dawlado shisheeye u
shaqaynayeen.
Warbaahinta gudaha waxay sheegeen in siyaasiinta la xir xiray ay ka hor
yimaadeen qorshe uu mar 4,aad isku soo sharaxayo m/weyne Ortega taasoo
ay sheegeen inay dastuurka baalmarsantahay.