Wararka laga helayo degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Soomaaliya ay maanta goob fagaaro ah ku burburiyeen dhalooyin Khamri ah oo ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen Xaafadaha degmadaasi.
Saraakiisha Hoggaaminaysay howgalka ayaa waxaa ay sheegeen in dhalooyinka Khamriga oo ku dhow 100 ay kusoo qabteen howlgal ay sameeyeen,isla markaana khamrigaas oo dhibaato ku haayay Bulshada.
Taliska booliska degmada Caabud waaq ayaa waxaa uu u digay dadka ka ganacsada ah khamri, isagoona sheegay in tilaabo cad ah laga qaadi doono dadka iibiya dhalooyinka Khamriga ah.
Taliyaha saldhigga booliiska, Dhamme, Nuur Cilmi Maxamed, ayaa sheegay in howlgal ciidanka ka sameeyay xaafadahah degmada lagu soo qabtay walxahan maandooriyaha ah iyo gaadiidkii lagu waday.
Gaashaanle sare, Maxamuud Maxamed Jaamac (Dhaga-hoor), oo ah taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Galgaduud ayaa u mahad celiyay dadkii ka shaqeeyay in la soo qabtay maandooriyahan khatarta ah.
Guddoomiyaha, degmada Caabudwaaq, Mahad Cumar Cilmi, ayaa sheegay in ciidanka si joogto ah u sameeyaan howlgalada noocaan ah oo lagula dagaalamayo maandooriyaha.