Somali News

Booliska gobolka Bari oo soo ban dhigay caruur iyo ninkii Afduubtay

Boosaaso-KNN-Taliska qaybta booliska ee gobolka Bari ayaa warbaahinta u soo bandhigay tiro dhalinyaro ah oo ay ciidanku qabteen xilli loo wadey magaala beexeedda Qandala ee gobolka Bari.

Dhalinyaradaan ayaa ciidanku gacanta ku soo dhigeen kadib markii waalidiintoodu ku soo wargeliyeen booliska inay ka maqan yihiin, iyadoona baaritaan la sameeyey kadib lagu soo qaqabtay iyaga iyo nin safrinayey.

Ninka caruurta ka xeeyay ayaa sheegay in uu u socday Bareeda, wuxuuna waaliddintii caruurtaas dhashay iyo maamulkaba ka codsaday in ay cafiyaan.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamed ayaa waalidiinta uga mahad celiyey sidii ay u soo wargeliyeen isagoona sheegay inay baaritaano dheeraad ah samayn doonaan.