Somali News

Booliska Hirshabeelle oo baaq u diray bulshada ku nool degmada Jowhar

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliiska degmada Jowhar ayaa baaq u diray shacabka ku nool degmada Jowhar ee xarunta mamulka Hirshabeelle.

Booliiska ayaa waxa ay ugu baaqeen dadka shacabka ah in ay kala qayb qaataan, sugidda amniga degmada Jowhar oo maalmihii la oo dhaafay ahaa mid sii xumaanaya.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay in ay maalmihii u dambeeyya ay ku soo badanayeen, dilal iyo sidoo kale dhaca loo gaysanayo shacabka, iyo masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Booliiska ayaana hawlagallo ka sameeyay xafadaha ay ka kooban tahay degmada Jowhar, iyo baaritaanno ay ku baadi goobayaan, kooxo dilal ka gaystay magaalda Jowhar.