Somali News

Booliska Hirshabelle oo baaritaano ka wado Jowhar.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi,  loogana hortagayo falalka amni daro ee ka dhaca magaaladaasi

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamada booliisku ay howlgalladan ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo  ay ka koobantahay Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada la arkayo iyagoo waqtidambe taagan waddooyinka xaafadaha.

Magaalada Jowhar ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay koox hubeysan oo dhac ka geystata xiliga habeenkii xaafadaha magaaladaasi.

Saraakiisha booliska ee maamulka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixiyaan howlgalada ay ka wadaan magaalada Jowhar ee gobolka shabeellada Dhexe.