Somali News

Booliska iyo dibad baxyaasha Belarus oo markale isku dhacay.

Booliska rabshadaha ka hor taga ee wadanka Belarus ayaa dhuumo biyo ah u adeegsaday si ay ukala ceeriyaan dibad baxyaal kasoo hor jeeday madaxwaynaha wadankaasi ee Alexander Lukashenko.

Dibad baxyada ayaa ka socday wadankan ku yaalo bariga Yurub tan iyo markii uu guul muran badan dhalisay uu ka sheegtay Mr Lukashenko doorashadii dhacday bishii August.

Tobonaan kamid ah dibad baxyaasha ayaa lagu xiray rabshadihii ugu danbeeyay ee dhacay maalinnimadii Axadda.

Waxaa sii kordhaya dhaleeceenta loosoo jeedinayo madaxwaynaha Belarus oo lagu eedeenayo in uu ku shubtay doorashadii ugu danbeesay ee ka dhacday wadankaasi.