Somali News

Booliska K/Galbeed oo digniin udiray musharraxiinta xilka madaxweynanimo

Baydhabo-KNN-Taliyaha Booliska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Jeneral Mahad C/raxmaan Aadan ayaa musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha koofur galbeed uga digay in aysan sameynsan ciidan u gaar ah, iyaga oo aan ku soo wargelin Taliska Booliska.

Wuxuu sheegay ciidamada Booliska Koonfur Galbeed in ay wadaan sidii sugidda amniga loo xoojin lahaa, sidaasi darteedna looga baahanyahay musharaxiinta inay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana aanan loo baahneyn in qof walba uu uruursado ciidan u abaabulan hab beeleed.

General Mahad ayaa sheegay inay diyaar yihiin inay ilaaliyaan musharaxiinta, islamarkaana siiyaan ciidan Boolis ah oo u gaar ah, wuxuuna tilmaamay marba hadii ay dhisan yihiin ciidan dowladeed inaanan loo baahneyn ciidan beeleed, si isku dhac uusan u imaan.

Sida uu qorshahu yahay magaalada Baydhabo 17-ka bisha November ee sanadkan waxaa ka dhaceysa doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku tartamayaan musharaxiin badan oo uu qayb ka yahay hoggaamiyaha hada talada haya Shariif Xasan Shiikh Aadan.