Uncategorized

Booliska kenya oo baadi goob ugu jira Dagaalamayal Shabaab ah.

Mandhera-KNN-Booliska Kenya ayaa shegay in ay Bilaabeen Howlgal ay ku baadi goobayaan Dagaalamaal la aaminsanyahay in ay Al-shabaab ka tirsanyihiin oo weerar kuy qaaday Saldhig Ciidamadda Kenya ay ku leeyihiin Deegaanka Fino ee Gobolka Woqooyi bari Kenya.

Afayeenka Booliiska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in Hugaamiye ka tirsan Al-shabaab oo Magaciisa uu ku sheegay Jaamac Nuux cabdille kana mid ahaa raggii weerarka qaday uu dhinaca Soomaliya u soo baxsadaya weerarka kadib.

Dagaalamayaasha weerarray Saldhigga Booliiska Kenya ay ku leeyihiin Fino ayaa Dilay shan Askari oo ciidamadda Booliiska ka tirsan.

Afayeenka Booliiska War uu ka soo saaray Nairobi ku sheegay in Ciidamaddu ay Baadi gayaan Dagaalamayaashii weerarka Fuliyay oo uu sheegay in ay Al-shabaab ka tirsanaayeen

Tiradda Dagaalamayasha wuxuu ku sheegay in ay Gaarayaan ilaa 100 Dagaalame.

Dowladda Kenya oo Dagaal kula jirta Al-shabaab ayaa ciidammo badan keentay Xuduuda ay Soomaaliya ay la wadaagto, Kuwo kale oo ka qayb qaadanaya Howlgalka AMISOM ayaa jooga gudaha Soomaaliya.

Al-shabaabna waxay kordhiyeen Weeradda ayDalkaas ka geeysanayaan gaar ahaan Gobolka Woqooyi bari.