Somali News

Booliska Kenya oo Sheegay xubno la aamisan yahay in ay yihiin Al-Shabaab ay dalka Kenya weerar ka fuliyeen

Muqdisho-KNN-Rag hubaysan oo looga shakisan yahay in ay xiriir laleeyihiin dagaalamyaasha Al-Shabaab ayaa weerar ay ka geesteen gudaha dalka Kenya waxaa ku dhintay labo ruux oo shacab ah.

Weerarkan ayaa sigaar ah loogu qaaday gaari ay lasocdeen macalimiin katirsan jaamacada Ukunda ee farsamada lagu barto, taas oo ku taalla  meel u dhow magaalo xeebedka Mombasa, sida ay sheegeen masuuliyiinta booliska.

Kooxdan looga shakisan yahay in ay Al-Shabaab katirsan yihiin ayaana lasheegay in weerarka ay ka qaadeen gudaha Soomaaliya,

Taliyaha booliska ee gobolka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in labada ruux ee weerarka ku dhintay ay yihiin haween.

Weerarkan ayaa u muuqda mid ay Al-Shabaab kusoo celinayaan oloihii weerar oo ay ka wadeen gudaha dalka Kenya, iyadoo  ay xusid mudan tahay in  weerarkii ugu qasaaraha badnaa oo ay Al-Shabaab Kenya ka geestaan uu ahaa kii 2’dii April, 2015’kii lagu qaaday Jaamacdda Gaaiza, halkaasi oo ay ku dhinteen arday gaareysa 148 ruux.