Uncategorized

Booliska Kenya oo soo saaray magacyada Raggii weerarka ku dilay Macalimiintii Gaarisa.

Muqdisho-KNN-Laamaha amaanka Kenya ayaa soo saaray magacyada Saddex Qof oo la xaqiijiyay in ay ka dambeeyeen weerar jimcihii lagu qaaday Iskuul ku yaalla Magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya kaas oo lagu dilay macalimiin Kenyaan ah.

Maxamuud Saalax oo ah madaxda amniga Gobolka waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Ragga weerarkaas fuliyay ay kalayihiin Maalim Yusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed iyo Abdirashid Ibrahim Osman, sida ay xaqiijisay xogtii ay heleen sirdoonka Kenya.

Mr Saalax ayaa sheegay in Macallin Cabdullahi uu yahay Ninka hoggaaminayay weerarkaas,kaas oo uu sheegay in uu ka soo jeedo degaanka  Bojigaras,isaga oo xusay in uu yahay Xaasle saddex carruur ah leh.

Maxamuud ayaa laamaha amaanka ee gobolka faray in la soo qabto Bare Cabdullahi iyo Ragga la shaqeynayay ee weerarkii ku qaaday Dugsiga Qarsaa ee Kenya.

Dadka weerarkaas lagu dilay ayaa kala ahaa labo macallin iyo xaaska mid ka mid ah Macallimiintaas,kuwaas oo aan u dhalan Gobolka waqooyi Bari,waxaana Meydkooda loo qaaday Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.