Somali News

Booliska Maraykanka oo looga digay adeegsiga Barnaamijka Dambiyada lagu baaro

Shirkada sida gaarka ah loo leeyhay ee Amazon ayaa bilayska maraykanka ka mamnuucday adeegsiga tikniyoolajiyadeeda  ee fududeeya aqoonsiga wajiga dadka dambiyadooda ay baarayaan mudo ka badan sanad xili ay sii kordhayso fadeexada police-ka dalkaasi kaso gaartay dilkii George Floyd.

Kooxaha u dooda xuquuqda madaniga iyo shaqaalaha shirkaddan gaarka loo leeyahay ee Amazon ayaa sheegay in police-ka tiknoolajiyadan ay ku dhibaatayn karaan dadka madowga ah sidaasna ay u mamnuuceen.

Sidoo kale masuuliyiinta Amazon ayaa xanibay Barnaamijada baarista wajiyada ay horay uga iibiyeen police-ka.

Wali maraykanka ayaa wajahaya xasilooni dari baahsan oo ka dhalatay dilkii laba todobaad ka hor loo gaystay George Floyd.