Uncategorized

Booliska Mareykanka oo Toogtay Wiil Soomaali ah oo Madaxa looga jiray

Washington–KNN–  Booliska Wadanka Mareykanka ayaa Toogtay Muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay in Madaxa looga jiray islamarkaana ku noolaa Gobolka  Washington ee Dalka Mareykanka.

Ninkaan Soomaaliga ah ee ay Toogteen Booliska Mareykanka ayaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Xasan,waxaana Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Mareykanka ay sheegeen in Xuseen Xasan uu qabay Xanuunka Maskaxda ku dhaca ee loo yaqaan Dhimirka.

Jaaliyadda ayaa sheegtay in Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee lagu Magacaabo Xuseen Xasan la dilay Xilli uu doonayay inuu Salaadda Casirka ku soo tukado Masaajidka Axaddii la soo dhaafay.

Booliska Mareykanka ayaa sheegay sidoo kale in Ninkaan la toogtay uu watay Seef islamarkaana Dadka Magaalada ay ku Wargeliyeen in Nin Seef wata uu ku sugan yahay Bartamaha Magaaladii uu daganaa sidaana Boolisku ay ku Toogteen.