Somali News

Booliska Nigeria oo soo badbaadiyay dad si-qarsoodi ah loo heystay.

Muqdisho-KNN-Ku dhawaad 500 oo rag iyo wiilal isugu jira ayaa laga soo bdbaadiyay dhisme ku yaala magaaladda Waqooyi ee Kaduna halkaas oo dadka ku xirnaa la jirdili jiray loona geysan jiray xad gudubyo galmo, sida ay Booliisku sheegeen.

Caruur da’doodu ay tahay 5 sano ayaa ka mid ah dadka lasoo daayay, qaarkoodna waxay ku xirnaayeen silsilad, goobta ayaa loo maleynayaa in ay tahay Iskuul.

Taliyaha Booliiska magaaladda Kaduna Cali Janga ayaa BBC-da u sheegay in Ciidanku ay dhismaha weerareen kadib markii lasoo sheegay howl gala shakiyay.

Waxaa uu sheegay in meeshu ay ahayd guri jirdil iyo goob adoonsi.

Sideed qof oo ay macalimiin ka mid yihiin ayaa lasoo xiray waxaana la filayaa in lagu soo eedeeyo dambiyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dadka lasoo badbaadiyay waxaa ka muuqda dhaawacyo jireed oo muujinaya sida loola dhaqmi jiray intii ay xirnaayeen.