Uncategorized

Booliska oo baaris ku bilaabay xarumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala sarifto lacagaha qalaad.

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba albaabada u laabay xarumaha shirkadda CAMEL FOREX oo ah xarumo ganacsi oo qaab Online ah looga kala sarifto lacagaha qalaad.

Xarumaha shirkaddaan ee la xiray ayaa waxa ay ku yaalleen Isgoyska Zoobe, Suuqa Bacaad iyo Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale Waxa ay xireen shirkadaha HUBAAL TRADERS iyo KULAN INVESTMENT oo lamid ah sida FOREX Trader.

FOREX Traders ayaa ah suuqa ugu weyn ee dunida ee lacagaha lagu kala badasho waxaa uu ku dhex shaqeeyaa Internet-ka waa Suuq furan oo sarif ah, dhallinyaro badan ayaa ku soo badanaya isticmaalka adeegan oo macaash badan ka sameeyay.

Ciidamada Ammaanka war hoose ee kasoo baxay ayaa sheegaya inuu jiro tuhunno la xiriira inay kooxaha argagixisada ah loogu yeero ay dhaqaalo dhexmarsadaan shirkadaha la xiray.

Taliska booliiska ayaa lagu sheegay in ay baari doonaan dhammaan dadka lacagta dhigtay shirkadahaan, meelaha ay kala joogaan iyo halka ay ka keeneen lacagaha ay shirkadahaan u hayaan, si loo helo xubnaha ku dhex jira ee xiriirka la leh kooxaha loogu yeero argagixisada

Howl-wadeennada CAMEL FOREX ayaa warbaahinta u sheegay in iyaga oo si caadi ah ugu guda jira howl-maalmeedkood in ciidamada ammaanka ay ku amreen in albaabada isugu dhuftaan xarumahooda ganacsi.

Mana jirto faah faahin intaaa ka dheer oo ay bixiyeen shaqaalaha xarumaha la xiray.