Muqdisho-KNN-Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo ah Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay dhibaatooyinka amni darro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in mararka qarkood falalka amni darro dad ay u qabtaan Ciidamada Booliska, islamarkaana caqabado ay la kulmaan booliska.
Sidoo kale Taliya ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo difaacaya dadka dambiilayaasha ah oo booliska ay soo qabtaan.
Booliska Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgalo ka sameeyaan Magaalada Muqdisho, iyagoona gacanta ku soo dhiga dadka waxyaabaha maanka dooriya Soo geli Magaalada.