Somali News

Booliska oo war ka soo saaray qarixii ka dhacay Muqdisho

Zakiya Xuseen Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war ay ku daabacday barteeda xiriirka bulshada waxey faah faahin uga bixisay qaarxii khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca geystay ee Muqdisho.

Zakiya waxeey sheegtay in Ciidamada ay ka hortageen gaari TOYOTA NOAH oo doonayay in uu si xoog ah ku maro goob hubineed oo  Ciidamada ay ku leeyihiin aagga Km4.

Sidoo kale waxey xustay in weerarkaasi ay ku dhinteen Askar iyo dad Shacab ah halkaasi ku sugnaa.

Inkastoo ay warar kala duwan ay ka soo baxayaan qaraxa hadana Dowladda iyo Taliska Booliska wali si rasmi ah uma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.