Somali News

Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay maandooriyaha Khamriga

Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland ee magaalada badhan ee gobolka saanaag ayaa meel fagaare ah ku burburiyey dhalooyin badan oo   ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada booliska ay ku guulyesteen in ay soo qabtaan.

Ciidamada ammaanka oo Howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada iyo baraha Kantaroolada ayaa khamrigan gacanta ku dhigay sida sharaakisha ay shegeen , xili la qorsheenayey  in si qarsoodi ah loo geliyo Magaaladaaas.

Taliyaha booliska gobolka sanaag Cabdikariin maxamed Cabdulle xanaf  ayaa  sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabtay falkaan sharcigana la hor keeni doono. 

Gudoomiyaha maxkamadda aramada koobaad ee gobolka sanaag Maxamuud Faarax Xarigle  ayaa sheegay in xukun lagu riday ragii watay qamriga gacantana ay ku hayaan garigii qamrigaan lagu waday.  

Goobta lagu burburiyey qamrigaan  waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda, Xeer ilaalinta ,taliyaha booliska gobolkaaas iyo Saraakiil Ciidan oo kale kuwaas oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta halkaas ku sugneyd.