Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka maamulka Puntland ee magaalada Garoowe.
Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan madaxtooyadda Puntland iyo Ciidamo ilaalo ka ka haayay baarlamaanka maamulkaasi.
Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku geeriyooday hal askari, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe.
Taliska Booliska maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacday Magaalada Garowe oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Muuse Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay in dagaalkaas uu u dhaxeeyay Ciidan Beeleed iyo Booliska ilaaliya amniga xarunta Baarlamaanka Puntland.


