Somali News

Booliska Puntland oo xiray weriye Soomane

Ciidamada Booliska maamulka  Pumtland ayaa xalay  magaalada Garoowe ku xiray Weriye Cumar Maxamed Soomane, ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Kulmiye, islamarkaana ahaa  weriyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Puntland.

Ilaa iyo hada lama oga sababta loo xiray Weriye Cumar Soomane, hayeeshee wararka ayaa sheegaya in weriyaha loo haysto eedeemo la xiriira war uu weriyaha ka soo diray garoowe, kaasi uu kaga hadlayay khilaafka dhanka waxbarashada ee u dhexeeya wasaaradaha waxbarashada Somalia iyo kan maamulka Puntland.

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Burhaan Diini Faarax ayaa si kulul u cambaareeyay xariga loo geystay weriye Cumar Maxamed Soomane, isagoona ku baaqay in si deg deg ah xuriyadiisa loo siiyo weriyaha.