Muqdisho-KNN-Gaashaanle sare Cabdi Ibraahim Shaamow Taliyaha qeybta booliska G/Sh.Hoose oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn ay ka jiraan dhibaatooyin loo geysto Dadka Shacabka ah ee ku safra wadadaasi.
Taliyaha ayaa Sheegay in Kooxaha dadka dhibka u geysta shacabka ay u aqoonsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Taliyaha ayaa Sheegay in Tilaabo ay ka qaadi doonaan Burcada Dadka shacabka ah ku dhibaateeyo Wadada isku xirta Afgooye iyo Wanla-weyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Maalmihii ugu dambeeyay Shacabka Soomaaliyeed eek u safra wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn ayaa ka cabanayay dhac ay u geystaan Burcada hubeysan.


