Boorama–KNN–Hal qof ayaa ku dhintay rasaas ciidamada Booliiska Somaliland ku kala kaxeynayaan dhalinyaro kala taageersan xisbiyada Kulmiye iyo Waddani.
Ciidamada Booliiska degmada Dilla ee Boorama ayaa rasaas u adeegsaday rabshado u dhaxeeyay dhalinyarada taasi oo rasaas ay rideen uu ku dhintay wiil ka mid ahaa Dadka Dibadbaxa dhigayay.
Wariyayaasha Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Dilla lagu soo dhaweynayay Masuuliyiin ka socda xisbiga mucaaridka ee Waddani oo Boorama ku socday.