Somali News

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho

Muqdisho-KNN-Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen  oo xalay Warbaahinta kula hadashay Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in howlgallo laga Samaayey qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka banaadir lagu soo qabtay rag ay sheegtay in ay dilal ka geesteyn degmooyinka Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa laga sameeyay degmooyinka Wadajir, Hodan iyo Xamarweyne ee Gobalka banaadir.

Gen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in dad ku guda jiray falal Amni darro laga soo qabtay degmooyinka,Warta-Nabada, Wadajir, Yaaqshiid,Hodan iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolkan Banadir.

Sidoo kale Taliye Ku xigeenka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay rag burcad ahiyo xubno Al-Shabaab ku eedeysan ay gacanta ku soo dhigeen.

Halkan ka dhageyso;-