Somali News

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay howlgallo ay ka sameeyeen qeeybo kamid muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa Faah-Faahin dheeraad ah ka bixiyey Howlgalka la Magac baxay SAMO KAAB ee Amni Sugidda Caasimadda oo ay xalay ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ka sameeyeen Qaybta Booliska Bari.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, Taas oo ay Ka jirtay Cabashadii ugu badneyd ee Dhinaca Amniga ah ee Ka timid Bulshada ku Dhaqan Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa tilmaamay in intii uu socday howlgalkaan ay gacanta kusoo dhigeen taliska Qeeybta Bari in ku dhaw 75 qof oo isugu jirto kooxo hubaysan oo dhac ka geeysanayay degmada Kaaraan iyo ciyaal weero.

Waxaa uu sidoo kale Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed xusay in inta uu socday howlgalkaan ay sidoo kale kusoo qabteen ilaa kontameeyo Isugu jirro Tooreey, iyo Baankaddo kuwaa oo uu shegay in aan horay loo arag.

Waxaa uu ka dhawaajiyay afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ilaa inta uu socdo howlgalka Samo-kaab aysan socon karin mooto bajaaj, Isagoona waalidiinta Soomaaliya uga digay in ay Caruurtooda ka adkaadaan.

Waxaa uu ka dhawaajiyay afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in Cidii lagu qabto gurigeeda Dharka Ciidanka iyo hub ay u awoonsan doonan in ay kaabaan Kooxa falalka amni darro ka waddo muqdisho.

Waxaa uu hadalkiisa kusoo gunaanaday Cabdifitaax Aadan Xasan Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, in kooxaha isku baheeysatay dhicista xoolaha Shacabka Soomaaliyeed si looga hortago ay sameeyn doonaan in qofkii ay booliisku Soo qabtaan laga qaadi doono Xogtiisa, sida halka uu Daganyahay, taas oo uu sheegay in ay iska kaashan doonaan Qeeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Qeeybta baarista denbiyadda.