Somali News

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay qarax ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Duudishe ayaa sheegay in ciidanka Boliiska Soomaaliya ay fashiliyeen Qarax daqiiqado ka hor ka dhacay banaanka saldhiga booliska degmada Xamarweyne.

Qoraalka Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa sidan u qornaa

Abaarihii 11:25 AM, ayeey Ciidabka Boliisku degmada Xamarweyne waxaa ay heleen xogta qof isku soo xiray walxaha Qarxa kaa oo doonaya inuu isku qarxiyo Ummadda, ilaahay mahadiis ma u dhicin sidii uu rabay oo ciidanka ayaa ceyrsaday ka dibna jaakadda ayuu iska tuuray oo qaraxday cid khasaare ka soo gaaray ma jirin.

Faah-faahinta dib kala soco insha allaah.