Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen taliyaha qeybta Booliiska ee Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed iyo taliyaha qeybta galbeed ee Booliiska Gaashaanle Dhexe Yuusuf Xundubeey ayaa maanta kormeeray Xarumaha Booliiska ee Degmada Deyniile iyagoo si gaar ah Ciidanka Booliis ay uga howlgeliyeen saldhiga Deyniile oo loo yaqaano Cusboole kaa soo uu maamulijiray maamulka degmadaasi.
Mas’uuliyiintan ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Abuukar Jacfar, iyagoo intaasi kaddib si gaar ah u kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha saldhigga cusboole, waxaana taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu halkaasi geeyay ciidamo Booliis ah oo si rasmi ah uga howlgalaya saldhiggaasi.
Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa dhinaciisa sheegay in saldhiggani uu soo shaqeynayay muddo dheer isagoo soo dhaweeyay in ciidamada boolisku ay dib ula wareegaan saldhiggaasi.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha saldhiggaasi ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan Ciidamada Booliiska, wuxuuna intaasi ku daray in la baaridoono tacaddiyadii la sheegay in ay halkaasi ka dhaceen.
Sidoo kale xeer illaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Maamullada Degmooyinka uga digay isticmaalka awood xad ka baxsan mas’uuliyaddooda .
Ugu dambeyntii Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warbaahinta uga digay iyo sidoo kale dada isticmaalo social mediayaha inay ku ixtiraamaadan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka sidoo kale lala xisaabtami doono cidii jabisa sharciga dalka .
Tallaabadan ay ciidamada booliisku maanta kula wareegeen saldhigga cusboole ayaa imaaneysa iyadoo maalmihii la dhaafay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen falal yaryar oo ka dhan ah bani’aaddanimada.