Somali News

Booliska Soomaaliya oo qarxiyay miino lagu aasay afaafka hore ee Jaamacadda Ummadda

Muqdisho-KNN-Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay qarxiyeen miino lagu aasay afaafka hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan faraceeda Gahayr.

Miinadan oo lagu aasay goob qashin qub ahayd ayaa ciidamada Boolisku ka war heleen, waxa ayna ku aasnayd goob lagu daadiyo qashinka.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe ku qarxiyay isla goobtii ay ku aasnayd, iyadoo aysan jirin cid ku waxyeelowday xilligii la qarxinayay.

lama oga cida sida rasmiga ah uga dambeysa arrinta, balse waxa inta badan looga bartay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.